- Gorfeynta Buugga: “Waa Maxay Islaamka Siyaasiga ahi?” – Jocelyne Cesari - August 20, 2023
- Haji Jaber: Waraysi Kooban oo ku Saabsan Ka-qaybgalgiisa Bandhigga Buugta Muqdisho - June 28, 2023
- WAAN FARXAY! WAAYO, GALMO MAANU SAMAYN”… Saaxiibadday oo markii iigu horraysay Guriga iigu timi - June 10, 2023
Wadasheekaysigan waxa marti innoogu ah borofisoor Ahmed T. Kuru. Axmed waa bare sare oo dhiga culuunta siyaasadda, maamulana ka ah Maxadka Cilmi-baadhista Islaamka iyo afka Carabiga ee Jaamacadda Dawladada ee Sandiyaago (San Diego State University). Kuru waxa uu soo saaray laba buug oo mawduucan ku saabsan, kuwaas oo ku guulaystay abaalmarinno farabadan. Labada buugba waxa loo turjumay afaf dhawr ah. Buuggiisa soo baxay 2009-kii waxa uu ku falanqaynayaa xidhiidhka u dhexeeya calmaaniyadda, islaamka, masiixiyadda iyo dawladda. Waxa afka Carabiga u turjuntay Xarunta Cilmi-baadhista iyo Faafinta Buugaagta ee Shabaka al-Carabiya sanadkii 2012-kii, waxa ayna cinwaan uga dhigtay “Calmaaniyadda iyo Siyaasadaha Dawladda ee ku Aaddan Diinta: Maraykanka, Faransiiska iyo Turkiga”, sanadkii 2019-kii Kuru waxa uu qoray buug kale oo diiradda saaraya xidhiidhka taariikheed ee u dhexeeyey Islaamka iyo dawladda. Isagana waxa loo turjumay afka Carabiga, waxaana soo saartay xarunta Shabakada al-Carabiya sanadkii 2021-kii, waxa ayna cinwaan uga dhigtay “Islaamka, Kelitalisnimada iyo Dibudhaca: Isbarbardhig Caalamiyeed iyo Sooyaaleed”.
Haddaba, wadasheekaysigan waxa aannu borofisoor Axmed hordhigaynaa xidhmo waydiimo ah oo daaran haddeeraynta aragtiyaha calmaaniyeeynta iyo gedgeddoonka siyaasadaha diinta xilli ay soo ifbaxayaan kooxaha waddaniyiinta garabka midig, si caalami ahna kor ugu kacayo islaam-nacaybku. Sidoo kale, waxa uu wadasheekaysigu faahfaahin dheeri ah ka waydiin doonaa qaybinta calmaaniyadda Axmed u qaybiyey: “Calmaaniyadda Wahsan” iyo “Calmaaniyadda Adag”. Sidoo kale, waxa uu wadasheekaysigu qaadaadhigi doonaa soo-koobbidda buuggiisii u dambeeyey gaar ahaan xidhiidhka u dhexeeya calmaaniyadda iyo islaamka, iyo kooxaha islaamdoonka ahi sida ay u sawiraan dawladda la rabo.
Hoos ka le deg wadasheekeysiga oo dhammaysitran. Waxa af somali u soo turjumay Aadan Ducaale.